DHAGEYSO: Dowladda oo sheegtay in bil gudaheed lagu dhisaayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wasaarada arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bil gudaheed lagu soo dhisi doono maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xogayaha joogta ah wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye  Cali Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha dowlada Soomaaliya dowladd ay   muddo dhan hal bil ay kusoo gabagabeyn doonto  shirka magaalada Jowhar.

Xogayaha joogta ee wasaarada arimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii shirka looga soo qeyb gali lahaa waxgaradka ka maqan shirka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaad hal sano la daala dhacaysa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.