Muqdisho-RisaalaFM- Dowlada Soomaaliya ayaa Hey’adda maamusha Hawada Soomaaliya ka dalbatay in si buuxda loogu Wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.
Waxaana ay dowladdu sheegtay in ay muhiim tahay in xiligaan dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jamac Jangali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay in ay maamusho maamulka Hawada Soomaaliya.
Heshiis ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa waxaa qeyb ka ahaa in maamulka Hawada Soomaaliya la geeyo magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland,laakiin hada qeybo ka mid ah ayaa la keenay magaalada Muqdisho,mana jirto wax war oo kasoo baxay maamulka Soomaliland.


