Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay ka dhacay degmada Torotoorow

Wararka naga soo gaaraya degmada Torotoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidanka kumaandooska Maraykanka ay weerar qorshaysan laga Fashiliyey.

Komaandooska Maraykanka  iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay diyaarad ugu degteen  degmada Torotoorow ka dib ay lug kusoo aaday dhanka magaalada  oo la sheegay in ay joogaan hogaamiyaal sar sare oo ka tirsan ururka  Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegay in xalay ciidamado ka tirsan kumaandooska Maraykanka  ay ka daateen diyaarad dagaal ,islamarkaana halkaas uu isku horimaad uu ku dhex maray dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo  kumaandooska Maraykanka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu baahiyey in ciidamo Maraykan ay diyaarad ugu soo degteen meel 6 km u jirta degmada Torotoorow ka dibna ay dagaal kala hortageen.

Ma jiro wax war oo kasoo baxay dowladda Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan Al-shabaab ay sheegayaan in ay fashiliyeen.