Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Nisa, Fahad Yaasiin, ayaa dhaliilay soo dhweyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Fahad Yaasiin, isku waydiyay su’aashaan“ Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd”?.
Wuxuu sidoo kale muujiyay in tallaabada Farmaajo ku soo dhaweyay imaanshiyaha Muqdisho ee madaxweynaha Uganda iyo arrinta uu imaanayo in ay tahay wax aan laga fileynin,”“run ahaantii, lagama filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan banaanka isku soo dhigaynin.
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in tallaabada madaxweynaha Uganda ay tahay mid muhiim ah isagoo yiri:” waa mid muhiimadda u leh dalka si loo helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga sharci darrada ah ee Madaxweynaha”.
Hase-yeeshee Fahad Yasiin, ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka madaxweyne hore Farmaajo oo mar ay aad isugu dhawaayeen: “taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay 2011. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyo , iyadoo Xasan lagu xumaynayo”. Wuxuu intaa raaciyay”Wadaniyadda waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada logu soo hilmaamo”.
Fahad Yasiin ayaa la soo shaqeyay dowladdii madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka mid ahaa xilalka uu ka soo qabtay agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Nis, waxaana markaa dadka ka aragtida duwanaa maamulkiisii ku tilmaami jireen Fahad ninkii ugu awodda badanaa dowladdaas.




