Cali Jeyte Cismaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Beledweyne, gaar ahaan dhacdadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, isaga oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay baarayaal u soo dirto si loo ogaado cidda ka dambeysay falkaas.
Cali Jeyte ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay dhacdada garoonka loo aqoonsado qaswadayaal, islamarkaana aan shacabka gobolka Hiiraan lagu eedeyn falalka dhacay.
Dhanka kale, Jeneraalka ayaa farriin toos ah u diray ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Hiil Walaal, isaga oo u sheegay in dadka dhibaatada u geystay aysan ahayn shacabka Hiiraan, balse ay yihiin kooxo uu ku tilmaamay calooleey.
“Calooleey baa idin xumeeyey ee reer Hiiraan ma aha,” ayuu yiri Cali Jeyte oo ku baaqay in si dhab ah loo baaro dhacdadii garoonka Ugaas Khaliif.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadda ka dhalatay dagaalkii Beledweyne iyo dhacdadii garoonka Ugaas Khaliif ay weli taagan tahay.




