Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Caraqji ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in Iiraan lagu go’doomiyo xayiraado dhanka dhulka ah, sababo la xiriira baaxadda dalka iyo xiriirka ballaaran ee ka dhexeeya gobolladiisa, magaalooyinkiisa iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xuduudaha.
“Ku go’doominta Iiraan xayiraado dhanka dhulka ah waa arrin aan suuragal ahayn, marka la eego baaxadda dalkeenna iyo tirada badan ee gobollada, kuwaas oo mid walba leeyahay awood iyo kheyraad u gaar ah. Gobolladani waxay xiriir ballaaran la leeyihiin gobollada deriska la ah ee dalalka xuduudda la leh Iiraan. Xiriirkaas waxaa ka mid ah isu-socodka gaadiidka, xiriirka bulshada iyo sidoo kale taariikhda iyo dhaqanka ay wadaagaan dadka labada dhinac ee xuduudaha,” ayuu yiri Caraqji.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in aragtidiisa Tehran ay tahay inay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu yareeyo cunaqabateynta saaran dalka.
Wuxuu yiri: “Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cadaadisyadan waa in la xaqiijiyo in cunaqabateyntu aysan gaarin ujeeddooyinkooda, si kuwa soo rogay ay u fahmaan in siyaasaddani aysan shaqeynayn, mustaqbalkana aysan shaqeyn doonin.”
Cabbaas Caraqji ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in Iiraan ay awood u yeelato inay iska caabbiso dhammaan cunaqabateynta, si aysan mar dambe wax macno ah u yeelan in dalka cunaqabateyn lagu soo rogo.
“Qofna yuusan u maleyn inuu Iiraan ku khasbi karo inay is dhiibto, isagoo kordhinaya cadaadiska dhaqaale iyo cunaqabateynta,” ayuu yiri wasiirku.




