Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo milateri oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay toddobaadyadii u dambeeyay ka fuliyeen gobollo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Fiqi ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu dilay in ka badan 285 dagaallame oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan 12 horjooge, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa tilmaamay in howlgallada ay ka dhaceen gobollada Baay, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana fuliyay ciidamada gaarka ah ee Danab iyo cutubyo kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladda ay taageero ka heleen duqeymo ay sameeyeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgallada lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in la shaaciyay magacyada qaar ka mid ah xubnaha iyo horjoogayaasha Al-Shabaab ee dhawaan lagu dilay howlgallada ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.




