Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo da’diisu ahayd 65 sano.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo xanuun loogu qaaday dalka Masar ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyay walaalkiis Khaalid Cabdullaahi Cosoble, kaas oo warka geerida ku baahiyay bartiisa Facebook.
Allaha u naxariistee Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii Juun 1961-kii, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare.
Waxbarashada heerka jaamacadeed ayuu ku qaatay Jaamacadda Sam Houston State University ee dalka Mareykanka, isagoo bartay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha.
Ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Cosoble wuxuu ka soo shaqeeyay Bangiga Horumarinta Soomaaliya iyo hay’adda Oxfam, isagoo soo qabtay shaqooyin la xiriira dhaqaalaha iyo horumarinta.
Sidoo kale, wuxuu xildhibaan ka soo noqday dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2004-kii ilaa 2012-kii, waxaana xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ay u magacowday wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa 17-kii Oktoobar 2016-kii loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo hoggaanka maamulkaas hayay ilaa 2017-kii.
Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tilmaamay geeri murugo leh oo dalka ka baxday shaqsi ka soo qeyb qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya.




