RW Xamsa oo magacaabay Wasiirka Cusub ee Difaaca.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku shaandhayn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada, kadib markii uu banneeyay xilka Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, sidoo kalena xilalka isu weydaariyay laba wasiir ku-xigeen oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabista iyo isku shaandhaynta ayaa lagu sheegay digreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isagoo tixraacaya qodobka 120-aad, farqadaha 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, talada Madaxweynaha iyo baahida loo qabo buuxinta xilka Wasiirka Gaashaandhigga.