Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Kulankan oo dhacay 23-kii Nofeembar 2026 ayaa qeyb ka ahaa wareeggii siddeedaad ee wada-hadallada istaraatiijiga ah ee Mareykanka iyo Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Sida lagu sheegay warbixinnada kulanka, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladaha Soomaaliya, Gaza, Iiraan, Suuriya, Lubnaan iyo dalal kale, iyagoo isla eegay arrimaha iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xasilloonida.
Dhanka Mareykanka, Marco Rubio ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Washington iyo Doha ay sii xoojiyaan wada-shaqeyntooda amni iyo iskaashiga difaaca, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyay Qatar doorka ay ka qaadato dhexdhexaadinta khilaafaadka caalamiga ah.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo khataraha amni iyo xoojinta xasilloonida.
Qatar ayaa iyaduna ka mid ah dalalka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankan uu ku soo beegmayaa xilli dalka ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalka lagu soo qaaday wada-hadallada Washington, inkastoo faahfaahinta taageero gaar ah oo Mareykanka iyo Qatar u ballanqaadeen dowladda Soomaaliya aan lagu caddeyn war-saxaafadeedka rasmiga ah ee kulanka.




