DHAGEYSO: Madaxweynaha”Dhalinyarada waxaa loo abuuraya fursado cusub”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii looga soo saari lahaa dhalinyarada ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan ayaa sheegay in dhalinyarado ay yihiin cududa bulshada Soomaaliyeed, sidaas darted ay muhiim tahay dhalinyarada laga soo saaro Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in muhiimada  koowaad ay tahay sanadyada soo socda sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

“dowladda Soomaaliya waxay xooga saaraysa sidii Shabaab looga soo saari lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo in aan ka hortago ku biiri lahaa Al-Shabaab “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed.