Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in la dhisayo sharciyada ay ku shaqeynayaan Hay’adaha Dowladda, marka ay xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtaan fasaxooda.
Sharciyada la dhisayo ayaa waxaa qeyb ka ah sharciga la Dagaalanka Argagixisada, sharciga ka hortaga Kalluumeysiga sharciga Dowladda Hoose, Sharciga Batroolka iyo kuwo kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay dhammaan sharciyadan in ay diyaar yihiin, Baarllamaankana la horgeynayo fasaxooda marka ay ka soo laabtaan.
Wasiir ku xigeenka hadalkan wuxuu ka sheegay kulankii shalay ee Golaha Wasiirada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ahaa kulanka, wuxuuna Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.



