Tartanka Jiilu Risaala oo maanta ay ka qeyb qaateen 7 caruur ah “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala waxaa ka socda Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta ee Jiilu Risaala, oo shalay bilowday kaasi oo sanad walba Idaacadda ay qabato.

Shirkadda Ibnu Qayim Al-Jowzi ayaa abaalmarino qaali ah gudoonsiineysa Ardada kaalmaha hore ka gala Tartankan Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala, marka uu soo gaba gaboobo.

Ardada ka qeyb qaadaneysa Tartankan ayaa waxa ay ku tartamayaan Halka Juz ee ugu hooseeya Qur’aanka Kariimka, waxaana la qabtaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

Dhammaan Ardada ka qeyb galeysa Tartankan ayaa waxa ay Da’dooda ka hooseysaa 6 sano, waxaana ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho, sida sawiarada hoose ay adinkaga muuqdaan.

Maanta Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta ee Jiilu Risaala, waxaa ka qeyb qaatay ilaa 7 caruur ah.

 

DSC_1007

DSC_1016

DSC_1021

DSC_1013

DSC_1027