Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen isku dhac dhexmaray ciidamada dowladda iyo dad bannaanbax ka dhigayay xaafadda Xarriyaale ee degmada Warta Nabadda, kuwaas oo ka hor yimid burburinta Kawaanka degmada.
Isku dhaca ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda ay burburiyeen Kawaanka Xarriyaale, arrintaas oo dhalisay caro xooggan iyo bannaanbaxyo ay dhigeen dadka deegaanka oo ka cabanayay tallaabada lagu dumiyay xarunta ganacsiga.
Dadka ku nool xaafadda Xarriyaale ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay weerar ku soo qaadeen koox ay ku tilmaameen argagixiso, iyaga oo hadalkaas ula jeeday kooxaha ku howlan burburinta dhulka iyo goobaha ganacsiga ee xaafadda.
Kawaanka Xarriyaale ayaa xalay gebi ahaanba la dumiyay, waxaana tallaabadaasi dhalisay iska horimaad iyo buuq ay dadweynuhu kala hor yimaadeen ciidamada dowladda.
Xaaladda xaafadda ayaa weli kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan burburinta Kawaanka iyo khasaaraha ka dhashay isku dhaca.
Ilaa hadda ma jiro faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda oo ku saabsan dhacdada iyo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.




