Milatariga Iiraan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca sahanka iyo basaasnimada sameysa ah, taas oo dul heehaabaysay Marin-biyoodka Hormuz iyo biyaha Gacanka Faaris.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim, oo ay BBC-da laanteeda Af-Faaris soo xigatay, waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka Iiraan ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in diyaaraddan ay ku tilmaameen “cadow” la ogaaday, kadibna lagu burburiyay nidaam difaaca cirka ah oo gudaha dalka lagu sameeyay.
Qoraalka laguma sheegin nooca diyaaradda ama waqtiga saxda ah ee dhacdadu dhacday.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Iiraan ayaa dhowr jeer sheegtay inay soo ridday diyaarado aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay, kuwaas oo ku sugnaa Marin-biyoodka Hormuz iyo deegaannada ku xeeran.
Jimcihii hore, Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay inay qabatay, kadibna si ammaan ah u soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay ku tilmaantay “cadow”, taas oo ku sugneyd gobolka Sistan iyo Baluchistan.




