Saadaq Joon oo si rasmi ah loogu dhaariyey xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xildhibaan Sareeye Guud Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaddib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen magacaabistiisa.

Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo wasiirka cusub uu si rasmi ah u bilaabay gudashada waajibaadka xilka loo magacaabay.

Saadaq Joon ayaa xilka kala wareegaya wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, kaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay hoggaaminayay wasaaradda.

Wasiirka cusub oo hadal kooban jeediyay kaddib dhaarintiisa ayaa sheegay inuu waajibaadkiisa shaqo u gudan doono si waafaqsan dastuurka cusub ee dalka, taas oo ah qodob si gaar ah u soo jiitay hadalkiisa.

Magacaabista Saadaq Joon ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay socdaan qorshayaal la xiriira dib-u-habeynta ciidamada, tayeynta hay’adaha amniga iyo wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka.

Waxaa la filayaa in wasiirka cusub uu la wareego hoggaaminta qorshayaasha wasaaradda, oo ay ugu horreeyaan dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, dardargelinta howlgalada amniga iyo diyaarinta qorshaha difaaca qaranka.