Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay cutubkeedii lixaad ee ciidanka cirka, oo loo yaqaan Aviation Unit VI, kaas oo loo diyaariyay inuu ka howlgalo Soomaaliya, kana mid noqdo ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM.

Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada ayaa Khamiistii 26-ka Nofeembar 2026 lagu qabtay saldhigga ciidamada cirka ee Soroti ee dalka Uganda, waxaana ka qeybgalay saraakiil sare oo ka tirsan milatariga dalkaas.

Cutubkan waxaa hoggaaminaya Gaashaanle Sare Simon Andiandu, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Ssempa Ndaula.

Taliyaha Ciidanka Cirka Uganda, Sarreeye Gaas Charles Okidi, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad, feejignaan iyo wada-shaqeyn inta ay ku guda jiraan waajibaadka loo igmaday ee Soomaaliya.

Okidi ayaa sheegay in dirista cutubkan ay muujinayso sida Uganda uga go’an tahay taageerada nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka, isagoo ciidamada xusuusiyay masuuliyadda ka saaran matalaadda dalkooda.

Taliyaha guud ee shaqaalaha Ciidanka Cirka Uganda, Sarreeye Guuto James Itungo, ayaa isaguna askarta ugu baaqay inay si sharaf leh dalkooda ugu metelaan Soomaaliya, isla markaana ay muujiyaan feejignaan iyo go’aan-qaadasho xirfadeed marka ay la kulmaan xaaladaha ka jira goobaha howlgalka.

Dhankiisa, Taliyaha Garabka Ciidanka Cirka ee saldhigga Soroti, Sarreeye Guuto Collin Mbaga Nkwasibwe, ayaa sheegay in cutubkan loo diyaariyay tababarro gaar ah oo la xiriira baahiyaha howlgalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin injineernimada iyo amniga duulista.

Dirista cutubkan ayaa imaanaysa xilli Uganda ay muddo dheer ka mid ahayd dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu door ku leeyihiin taageerada ciidamada dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Uganda ay shaacisay qorshe ay si tartiib ah ciidamadeeda uga soo saarayso Soomaaliya, kaas oo la doonayo inuu soo dhammaado dhammaadka 2027.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Uganda ma aysan shaacin tirada ciidamada ku jira cutubkan cusub, goobaha ay ka howlgeli doonaan iyo muddada ay Soomaaliya joogayaan.