Taliyaha Ciidanka Xoogga oo shir xasaasi ah la yeeshay saraakiisha ciidamada ee G/Bay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo qorshayaasha ciidamada ee gobolka.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka Bay, howlgalada ciidamada ka socda iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu sugayo amniga deegaannada gobolka, iyadoo si gaar ah loo eegay baahiyaha ciidamada iyo waajibaadka horyaalla.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni, dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo howlaha ay ka wadaan deegaannada kala duwan ee gobolka.

Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo isku-duwidda howlaha amniga, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida deegaannada ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo amni ka wadaan qaybo ka mid ah gobolka Bay iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo gobolka uu ka mid yahay meelaha muhiimka u ah qorshayaasha amniga Koonfur Galbeed.

Booqashada iyo kulanka taliyaha ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ee la xiriira qiimeynta xaaladda ciidamada iyo dardargelinta howlaha sugidda amniga ee gobollada dalka.