Ciidamo ka soo goostay NISA oo ku biiray guriga Ugaas Yuusuf ee Beledweyne.

Ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaas oo ku sugnaa xerada ay magaalada Beledweyne kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, ayaa la sheegay inay ka goosteen xerada, kuna biireen dhinaca Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Askartan ayaa la sheegay inay gaareen guriga Ugaaska ee magaalada Beledweyne, iyagoo watay gaari Cabdi Bile ah oo uu saarnaa qori nooca dhashiikaha ah.

Ciidamadan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Kabtan Cabdullaahi Cali Xiireey, oo ka mid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada isku magacaabay Dulmi-diid, kuwaas oo taageero u muujiyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kana soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Ilo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in askartan ay ka mid ahaayeen ciidamada ku sugnaa xerada NISA, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee ka dhashay doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle.

Goosashada askartan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan tahay xiisad u dhexeysa taageerayaasha Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo maamulka Hirshabeelle, iyadoo labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin arrimaha maamulka iyo matalaadda bulshada gobolka Hiiraan.

Ugaas Yuusuf ayaa hore u diiday natiijadii doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo sheegay in aan la tixgelin rabitaanka bulshada gobolka Hiiraan, halka taageerayaashiisu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku muujinayaan diidmadooda.

Dhacdadan ayaa sare u qaadi karta xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana weli la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ay askartu uga baxeen xerada, iyo in saraakiisha NISA ama maamulka Hirshabeelle ay ka hadlaan arrintan.