Burcad-badeed Soomaali ah oo xeebaha Yemen ka afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigayay kalluumeysato ayaa markii ugu horreysay afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta, kaas oo marayay xeebaha dalka Yemen, sida ay xaqiijisay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).

Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa saraakiil amni ayaa sheegtay in markabka ay afduubteen lix nin oo la rumeysan yahay inay ka soo shiraacdeen xeebaha Puntland, kuwaas oo markii hore isu muujiyay kalluumeysato, si aysan shaki u gelin dhaqdhaqaaqooda.

Saraakiisha amniga ee ay AFP soo xigatay ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay hubkii ay ku fuliyeen afduubka ka heleen Soomaalida ku sugan dalka Yemen, kaddibna ay gacanta ku dhigeen markabka oo ay la soo aadeen dhinaca xeebaha gobolka Bari ee Puntland.

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiineysa walaaca laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliyeed, xilli muddooyinkii dambe ay soo baxayeen digniino la xiriira dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Afduubka markabkan ayaa sidoo kale muujinaya halista amni ee ka jirta biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, kuwaas oo ay maraan maraakiib ganacsi oo caalami ah.