Ciidanka DF oo ku sii siqaya Buurhakaba iyo Gulufka ka socda Baydhabo.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli howlgallo milatari oo culus ka wada waddada xiriirisa deegaannada Leego iyo Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu doonayo in lagu furo waddadaasi.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay guulo horleh ka gaareen howlgalka, isla markaana ay burburiyeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ku teedsan waddada.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha ciidamada dowladda ee lagu doonayo in dib loogu furo waddooyinka muhiimka ah, laguna sugo amniga deegaannada ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada milatari.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee howlgalka ay tahay in ciidamada dowladda ay dhowaan gacanta ku dhigaan magaalada taariikhiga ah ee Buurhakaba, oo muddooyinkii dambe ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaar-garow dagaal.

Gulufkan dagaal ayaa ujeedkiisa ugu weyn waxaa uu yahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Buurhakaba iyo deegaannada kale re ka tirsan ee Gobolka Baay.

Taliyaha Milatariga Soomaaliya ayaa abaabul iyo kulamo amni ka wada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.