DHAGEYSO: DF oo Gurmad ku wareejisay K/Galbeed

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gurmad ku wareejisay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay ku saameeyeen Degaanada Koonfur Galbeed.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Macalin oo shalay gaaray qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ku wareejiyay Deeq raashiin ah.

Maxamed Macalin Xoghayaha joogtada Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay gargaarkan in markii hore ay ka heleen Dowladda Masar, hadana ay ku wareejiyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka iyo Wasiirka xanaanada iyo xoolaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Madoobe Nuunow ayaa warbaahinta la hadlay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan wada sidii ay gurmad u gaarsiin laheyd qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, halkaasi oo ay ka jiraan Abaaro daran.