Muqdisho-RisaalaFM– Deeqdii laga soo aruuriyay Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee galab kasta ka baxa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa lagu afuriyay 50 qoys oo Barakacayaal ah oo ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee galab kasta ka baxa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, waxaa maskaxdooda ay ka timid maamulka iyo shaqaalaha Risaala, iyaga oo garawsaday sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan.



