Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya in ay howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Cabdi-Dhoore oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanka Cabdi-Dhoore ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose u jira qiyaas dhan 40 km dhanka Galbeed.
Deegaanka Cabdi-Dhoore ayaa waxaa ku sugnaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab , waxaana la sheegaya in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ka fuliyeen deegaankaasi howlgal qorshaysan ayna ku bur buriyeen Bar fariisin ah oo ay Al-Shabaab canshuur ku qaadi jireen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkaasi ay kusoo qabteen hub iyo agab kale oo ciidan waxayna intaas ku dareen in aysan la kulmin wax iska caabin ah intii uu hawlgalka socday.
Afhayeenka Laamaha amniga maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamad oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka ay fuliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.


