Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa wax laga weydiiyey mustaqbalka mashiinka qadka dhexe ee reer France Paul Pogba ka dib kulankoodii saaxiibnimo ee ay maanta ku ciyaareen Koonfurta China.
23 sanno jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester United oo dooneysa inay ku iibsato heshiis rikoorka adduunka ah oo sarre u dhaafaya qiimo lacageed dhan 100 milyan oo ginni.
Allegri ayaana yiri: “Ma jecli inaan ka hadlo arrimaha ku saabsan suuqa kala iibsiga ee kooxdeyda. Maalinta Talaadada ayaan ku laaban doonaa oo aan xaaladdaan si gaar ah ugala hadli doonaa madaxda kooxda.
“Laakiin waqti xaadirkaan marka aan ka hadlo guud ahaan suuqa kala iibsiga kooxdeenu shaqo wanaagsan ayey ka qabatay.”


