Dagaal beeleed galabta ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya  deegaanka Biyo Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa  sheegaya  in galabtay halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed .

Deegaanka Biyo baxdo ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoos yimaada degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega deegaanka Biyo baxdo.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah oo ku sugan gobolka Galgaduud.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya deegaanka Biyo-baxdo ayaa sheegaya in y suurta gal tahay in khasaaraha uu intaas kasii kordho.