In ka badan 40 mudane oo ka tirsan baarlaamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramaya in ay mooshin ka gudbiyeen gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheeykhuna Maye.
Xildhibaanada ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxayna sheegeen in uu ku guuldarestay gudoomiyaha baarlamaanka Shaqooyinkii loo idmaday.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka aysan haysan hogaan qaban kara howlaha baarlamaanka sidaas darteed ay mooshin ka keeneen gudoomiyaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Xildhibaanada ayaa sheegay in baarlamaanka aysan bil yeelan wax kal fadhi ah, islamarkaana ay hakad gashay howlihii baarlamaanka.


