Dowladda Angola ayaa sheegtay markii ugu horeysay in Madaxweynaha wadankaasi Jose Eduardo Dos Santos, in xaalada caafimaad uu u aaday dalka Spain
Wasiirka Arrimaha dibada Angola Georges Chikoti oo la hadlaayay Idaacad ku taala dalka faransiiska oo lagu magacaabi RFI ayaa qiray in xaalada Madaxweyne Dos Santos aysan wanaagsaneyn.
“Waxaad ogsoon tihiin in qof walibo marka uu wanaagsaneyn waxa uu dareemayo, laakin hadda waa uu fiican yahay waxa uu joogaa Spain waxa uuna dib usoo noqonayaa markii uu soo wanaagsanaado”.ayuu yiri Chikoti.
“Madaxweyne Dos Sontos waxa uu si joogto ah xaalada baaritaan u aadaa Spain taasina waa xaalad iska caadiya“
Dhawaantaan ayaa warbaahinta wadanka Angola waxa ay Qortay in uu geeriyooday Madaxweynaha balse war baahinta dowlada ayaa warkaasi beenisay.
Angola ayaa lagu wadaa in Doorashada dalkaasi ay dhacdo 23 bisha Augest, waxaana lagu wadaa Madaxweyne Dos Sontos in uu badalo Wasiirka Difaaca Joao Lorenco, oo 63 jir ah.
Madaxweyne Dos Sontos oo 74 jir ah ayaa dalka Angola waxa uu xakumayaa in ka badan 38 sanno.
C/laahi Cali Maxamed



