Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho kula hadlay Saxaafadda ayaa waxa ay cabasho xooggan ay ka muujiyeen hub ka dhigista ay wadaan Ciidamada Xasilinta Caasimadda.
Ciidamadaan ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in weerar lagu soo qaado oo laga qaato qoryihii ay dalka ku difaacaayeen.
Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in Ciidamada hub aruurtinta ka wadda Muqdisho ay doonayaan in ay bililiqeystaan Ciidamada dowladda hubkooda.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ugu baaqeen in ay si deg deg ay arintaasi ay wax uga qabtaan inta aysan gacan qaadin oo aysan ciidamadaasi isku dhicin.


