Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay burburintii Suuqa Xariiryaale ee degmada Warta Nabada, isaga oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay dhulboob iyo burburinta hantida shacabka.
Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray ehellada dhallinyaradii xalay saqdii dhexe lagu dilay xaafadda Xariiryaale, isaga oo sheegay in dhallinyaradaasi ay ka dhiidhinayeen burburinta suuqa. Waxa uu Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii dhintay, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawacyada.
Khayre ayaa sheegay in haweenkii iyo hooyooyinkii suuqa ku ganacsan jiray ay maanta adeeggoodii la fadhiyaan geedaha hoostooda, kaddib markii hantidoodii iyo goobihii ganacsiga la burburiyay.
Waxa uu sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay burburisay suuqyo muhiim u ahaa dhaqaalaha Muqdisho, isaga oo tusaale u soo qaatay suuqyada Siinaay, Buulaxuubey, Bilaajo-Carab iyo qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo indheergaradka bulshada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan waxa uu ku tilmaamay dhulboobka iyo burburinta hantida shacabka, isla markaana ay si wadajir ah uga hortagaan falalka uu sheegay inay dhaawacayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.




