Kuuriyada Waqooyi oo gantaalkii Saddexaad Tijaabisay

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal riddo gaaban, kaas oo u muuqda in uu yahay midkii saddexaad ee ay ku guulaystaan muddo todobaadyo ah.

Gantaalka ayaa hawada ku jiray 450 kiiloo mitir ka hor inta uusan ku soo dhicin biyaha Japan, arrintaas oo durba sababtay in Japan ay ka cabato.

Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in tijaabooyinkan gantaalladu ay tilmaamayaan in Waqooyigu uu horumar ka sameeyay gantaalaha xambaaraha madaxyada sida nukliyeerka.

Waqooyiga Kuuriyadda  ayaa si joogto ah uga dhago adkeysay qaraarka Qaramada Midoobay ee ka mamnuucaya dhamaan falalka la xiriira hubka nukliyeerka ah iyo gantaallada, bilihii u dambeeyayna sare ayay u qaadeen tijaabooyinka gantaalada ee ay samaynayaan.