Barnaamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ee Idaacadda Risaala ayaa wali si rasmi uga socda Xarunta Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana ka qeyb galaya gabdhaha Da’dooda ay ka hooseyso 25 sano jir.
Gabdhaha ayaa waxa ku tartamayaan 30-ka jus ee Quraanka Kariimka ah, waxaa Sanadkaan maalgalinaysa Shirkadda Waaberi Jumbo.
Tartanka ayaa galay todobaadkii Labaad waxaana loogu tala galay in lagu dhiirigaliyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee Qur’aanka xifdisan.



