SAWIRRO:Tartanka Qur’aan Akhriska Wiilasha oo todobaadkii Labaad ka socda Risaala

Waxaa Todobaadkii labaad  ka socda Idaacadda Risaala Tartanka Qur’aan Akhriska  ee Wiilasha ay da’dooda ka yartahay 15-ka Sano.

Tartankaan oo ah Mid Idaacaddu ay qabato Bisha Ramadaan Sanadkaste waxaa ku tartama Wiilasha ay da’dooda ka hooseyso 15-ka Sano ee Qur’aanka Xifdisan.

Waxa ay ku tartamaan Sanadwalba 30-ka Jus ee Qur’aanka, waxaana Shirkadda Ibnu Qayim Al-Jowzi ay abaalmarino qaali ah gudoonsiineysaa Ardada kaalmaha hore ka gala Tartankan.