Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in qarax ismiidaamin ah uu goordhow halkaasi ka dhacay.
Waxaana qaraxaasi lala eegatay Allaha u naxariistee xisaabiyihii wasaaradda maaliyada maamulka Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) iyo 8 ruux oo kale.
Dadka goob joogayaasha ayaa waxa ay ku soo waramayaan in goobta laga qaaday 8 ruux oo mayd ah iyo dhaawac fara badan.
Ciidamada amaanka ayaa goobta ay wax ka dhaceen soo gaaray, waxaana ay sugayaan amaanka guud ee goobta ay wax ka dhaceen.
Wali ma jirto cid si toos ah u sheegatay qaraxan masuuliyadiisa.


