DHAGEYSO: Maamulka Baardheere ”Qaraxyo ayaan fashilinay”

Korneel Cabdi Xasan Sheekh oo ka mid saraakiisha dowladda eek u sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay qaraxyo la doonayay in laga geysto saldhiga booliska degmada Baardheere.

Waxaana uu sheegay in ay halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu sugayo, isagoona intaa ku daray in nimanka qaraxyadaasi geysan rabay ay ku daba jiraan.

Dhanka kale Korneel Cabdi Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka hadlay xaalada guud  ee amniga magaalada Baardheere, waxaana uu sheegay in amniga Baardheere uu hada yahay mid la isku haleyn karo.

Dhowaanahan magaalada Baardheere waxaa ka dhacayay qaraxyo ay masuuliyadooda sheegteen ururka Al-shabaab.