Nin u dhashay Azerbaijani oo ka mid noqday dadkii muqdsho lagu dliay

Safaarada dalka Azerbaijani ee Turkiga war ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in muwaadin udhashay dalka Azerbaijani uu ka mid noqday dadkii shalay galab lagu dilay magaalada muqdisho.

Safaarada ayaa sheegtay in muwaadinkaasi uu saarnaa gaariga NOHA ah ee ragga hubaysan ay rasaasta la dhaceen, waxaana Safaarada ay xaqiijisay jiritaanka in ninkaasi uu geeriyooday,.

Tirada dhimashada ayaa noqonaysa labo u dhalatay dalka Turkiga, muwaadin u dhashay Azerbaijani iyo Afar Somali ah, wadarta guud ee dhimashada waxa ay noqonaysaa 7 ruux.

Weerarkan Shaqaalahan Ajaanibta iyo Soomaalida lagu dilay ayaa shalay galab waxaa uu ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka ragaan Ajaanibta ah ee ka dhacay magaalada muqdisho, inkastoo dowladda Soomaaliya war qoraal ah oo ka soo baxay ay ku cambaareysay dilkaasi.

Dilalka qorsheysan ee Ajaanibta iyo dadka Soomaalida ah loo geysto ayaa inta badan waxa ay ka gudaha magaalada Muqdisho.