Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Baarlamaanka maamulka Somaliland.
Xildhibaanka ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla dalka Jabuuti, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaayay.
Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada si weyn looga yaqaano gudaha Somaliland sida ay xaqiijiyeen Guddoonka Baarlamaanka.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ka hadlay Geerida Xildhibaanka ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii si weyn uga qeyb qaatay dhismaha maamulka Somaliland.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu ka mid ahaa bahda waxbarashadda Somaliland, sidoo kalena uu si weyn uga shaqeyn jiray wanaajinta Siyaasadda Somaliland.



