DHAGEYSO: Taabid oo fariin u diray Dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab in ay kasoo baxaan ,islamarkaana ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dhalinyaraddaasi ay yihiin kuwo la qalday.

Gudoomiye Taabid ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta laga doonaayo dhalinyaradda in ay midoobaan, isagoona sheegay in dhalinyarada kasoo baxaysa Al-Shabaab in ay soo dhaweyn doonaan.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab laga doonaayo in ay ku quusqaataan Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-tii Bishaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta Al-Shabaab in ay kasoo baxaan oo ay dib ula midoobaan qoyskooda.