Wararka naga soo gaaraya Jaziirada Qubrus ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya Soomaali iyo Suuriyaan ku wada noolaa xero ku taal jaziiradaas.
Wasiirka arimaha Jaziirada Qubrus ayaa sheegay in dhacdaas uu bilaabay in Soomaali ah oo sarqaansan ,waxa uuna sheegay in xerada uu ka dhashay buuq xoogan oo Sababay in ay isku dhacaan Soomaalida iyo sidoo kale qaxootiga Suuriyaanka ah
Khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaas dhex maray Soomaalida iyo Suuryaanka ayaa la sheegaya in uu dhaawac kasoo gaaray 4 qof oo Soomaali ah iyo sidoo kale 3 nin oo dhalatay dalka Suuriya ,Waxaana dhaawacooda la gaarsiiyey isbitaal ku yaala Jaziirada Qubrus.
Maamulka Jasiirada ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo kala rari doono Soomaalida iyo Suuriyaan ku nool xeradaas
Jasiirada Qubrus ayaa waxa kunool Qaxooti Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Suuriyaan oo kasoo cararay dagaalada Ka socda dalka Suuriya.


