Wararka naga Soo gaaraya degmada waaberi ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in geed talaal wadada dhinaceeda ku yiil oo soo dhacay uu dhaawac gaarsiiyey hooyo iyo caruurteed saarnaa Moota-Bajaaj.
wararka ayaa sheegaya in geedka uu ku soo dhacay 2-gaari iyo Moota-Bajaaj oo wadada maraayey Xilligaas ,islamarkaana uu dhaawac fudud soo gaaray hooyo iyo caruurteed.







