Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waxa ay qorsheyneysaa in Philippe Coutinho ay u bandhigto kooxda Paris Saint-Germain, si ay kaga soo qaataan Kylian Mbappe.
Don Balon ayaa waxa ay qoreysaa in Barca ay diyaarineyso qorsho ay PSG kaga dhaadhicineyso in heshiis is dhaafsi ah ay kaga soo qaataan Mbappe, iyadoo bixin doono lacag iyo Coutinho.
Neymar Jr ayaa horraan isugu dayay inuu saaxiibkiis Coutinho oo ay dhalasho wadaag yihiin ka dhaadhiciyo inuu kula biirro Parc des Princess.
Coutinho ayaa tan iyo bishii January ee sanadkan waxa uu ahaa mid ka hoos maray qaabkiisii Liverpool oo suuqii jiilaalka ee sanadkan horraantiisii kazoo dhaqaaqay, waxaana dhowaanahan booskiisa weerarka dhaxlay Ousmane Dembele.
Barcelona ayaa door bideysa Mbappe, halka dhowr jeer lala xiriiriyay in Neymar ay dib ula soo saxiixan karaan, kaasoo xagaagii 2017 qiimaha adduunka ugu qaalisan ugu biirray kooxda reer France.
Sidaas darteed, waxa ay Bluagrana diyaar u tahay inay ku qamaarto xiddigga reer Brazil, si ay u helaan 20-jirka cajiibka ah ee Mbappe.



