Ciyaaryahan Silva oo lagu dhacay gudaha Magaalada Paris

Dhaca Loo Geesanaya Ciyaartooyda Guryahooda ma ahan wax haatan soo bilaabanaayo iyadoo dalalka qaar ay caado ka Tahay sida Italy.

Daafaca naadiga PSG Thiago Silva aqalka uu magaalada Paris ka dagan yahay ayaa tuugo dhac u geesteen waxayna ka qaateen agab lagu qiimeeyay Hal Milyan oo Euro!

Silva wuxuu dagan yahay xaafada ugu amaanka adag magaalada Paris ee wadada 16-aad ku taalo waxaana dagan dadka caanka ah ee hantida heestaan.

Balse tuugo xarfaan ah ayaa aqalka Silva fooqa sare ama dhakada sare kasoo galeen kadibna waxay qaateen saacad nooca lagu xarakoodo oo 600,000 euro joogto iyo agab kale oo ay dumarka xirtaan oo qaali ah.

Waxa Jira Xidigo kale Oo Iyagana Guryahooda Agab Laga Qaatay waxaana Ugu Dambeeyay Kabtanki Hore ee Xulka Egland Weyn Rooney.