Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan qaxootiga ee lagu magacaabo UNHCR ayaa dowladaha deeqaha bixiya ka codsaday dhaqaalo dheeraad ah oo loogu talagay in lagu taageero qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaaya in ay dalka Soomaaliya iskood dib ugu soo laabtan.
Uqaabilsanaha Hay’adda UNHCR ee qaarada Afrika ninka lagu magacaabo Valentin Tapsoba ayaa sheegay in deeq bixiyaasha caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagan dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkood dib ugu soo laabtan ,si aan qasab aheyn.
UNHCR ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la helo lacag dhan $ 115.4 milyan oo dallar-ka Mareykanka ah si loo taageero dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.
“Hadii aan nahay UNCHR waxaan diyaar u nahay inaan hubino ammaanka iyo sidoo kale sharafta qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkood dib ugu laabtan si aan qasab aheyn ,sidaas darteed waxaan deeq bixiyaasha caalamka ka codsaneynaa in ay ka jawaabaan baaqeena aan ku dooneyno kharajka dheeraadka ah” sidaas waxaa yiri Valentin Tapsoba u qaabilsana UNHCR ee qaarada Afrika.


