Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay sarkaal looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Kombani oo ku dhow magaalo xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa.
Nink ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa lagu magacabaa Alfan Rashiid, waxaa uuna horay uga tirsanaa ciidamada ammaanka dalka Kenya.
Afan Rashiid ayaa la sheegay in uu muddo ku dhow 12 sano ku dhex jiray shaqada ciidamada Millitery-ga dalka Kenya.
Guriga Alfan Rashiid ayaa laga helay Bam gacmeed iyo walxaha qarxa iyo sidoo kale Sawiro muujinayaa in uu gacan saar la leeyahay ururka Al-Shabaab.
Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Alfan Rashiid la soo taagi doono maxkamad ku taala dalka Kenya maalmaha soo socda.


