Uganda oo sheegtay iney kordhin doonaan Howlgalka u joogaan Soomaaliya

Dowlada Uganda ayaa markale sheegtay iney kasii mid ahaanayaan howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, ilaa guul laga gaarayo ujeedada ay usoo galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2007.

Paddy Ankunda, afhayeenka ciidamada militariga dowlada Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda ay sii wadi doonaan howlgalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya, ilaa ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Ciidamada Uganda baaqi ayay kusii ahaan doonaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-qaacida xiriirka la leh ee Al-shabaab”ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Uganda.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayan iney isku badalid ku sameeyaan ciidamada kaga sugan dalka Soomaaliya, laakiin taasi ay dhici doonto waqtiga loo qorsheeyay.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.