Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo ku wajahan dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arimaha siyaasada Soomaaliya, kaasi oo maalinta beri ah la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galaya hogaanka maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya wadamada daneeya arimaha siyaasada Soomaaliya iyo hayado badan oo taageera dowlada Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa sanadkaan looga hadlayaa siyaasada Soomaaliya, waxaana diirada lagu saarayaa doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay ka duulay magaalada Kismaayo isaga oo kusii jeeda dalka Turkiga.