Tottenham Iyo Juvetus oo barbaro ku kala baxay

Soccer Football - Champions League - Juventus vs Tottenham Hotspur - Allianz Stadium, Turin, Italy - February 13, 2018 Juventus’ Gonzalo Higuain celebrates scoring their first goal with teammates Action Images via Reuters/Paul Childs

Juventus iyo Tottenham Hotspur ayaa isku garab dhacay kulan xiiso lahaa oo ka dhacay magaalada Turin iyadoo kooxda martida aheyd ay si fiican uga falcelisay goolashii looga hormaray.

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Gonzalo Higuain, Christian Eriksen iyo Harry Kane ayaa kulankii xiisaha lahaa kusoo dhameeyay barbaro 2-2.

GOAL: Daqiiqadii 2-aad: Gonzalo Higuain ayaa shabaqa soo taabtay markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad qiyaano ah oo uu ka helay Miralem Pjanic kaas oo laad xor ah u xaday, si fiican ayuuna goolhaye Lloris u daba mariyay xidiga reer Argentina.

GOAL: Daqiiqadii 9-aad: Gonzalo Higuain ayaa goolka labaad ee Bianconerri dhaliyay markii uu dhameystiray rigoore loo dhigay kooxdiisa, iyadoo qalad lagu galay Bernardeschi.

GOAL: Daqiiqadii 35-aad: Harry Kane ayaa dhaliyay gool muhiim u ah kooxdiisa, waana mid rajada kooxdiisa soo celiyay, waana mid ku yimid Turin kaas oo macno weyn ugu fadhiya.

RIGOORE: Daqiiqadii 45-aad: Gonzalo Higuain ayaa loo dhigay rigoore uu kooxdiisa hogaanka ugu dheereyn karay, balse ma dhicin birta kore ayuu isaga dhuftay.

GOAL: Daqiiqadii 72-aad: Eriksen ayaa si qurux badan u khiyaanay goolhaye Gigi Buffon kadib markii uu laad xor ah daba mariyay, joog hoose ayuu ahaa taasoo ka dhigtay ciyaarta mid garbo siman ah.

Tottenham waxey aheyd kooxda gacanta sare laheyd kulanka oo dhan, balse uma suuragalin iney marnaba gool kale hesho, barbaraha ayaana lagu kala baxay.

Natiijadaas waxey ka dhigan tahay in Spurs ay mar walba heysato fursad ka fiican Juventus iyadoo bisha Maarso dib la isugu laaban doono kulan ka dhici doona Wembley.