SAWIRRO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Baay & Bakool

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo booqday Ciidamada dhaqdhaqaaqa wadda ayaa ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada u sheegay in laga doonaayo in ay furaan Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku hawlan sidii guluf xoogan loogu qaadi lahaa dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin Degaanada Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ay Go’doomiyay degaano badan oo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.