Soomaaliya oo martigelineysa ciyaar caalami ah 30 sano kaddib

Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in xulka ka yar da’da 20 jirka ah ay casuumi doonaa dhiggooda Ereteriya, ciyaar saaxiibtinnimo oo Muqdisho ka dhacaysa 16-ka bishan Febraayo.

Ciyaarta ka dhacaysa garoonka Banaadir waxay noqonaysaa ciyaartii ugu horreysay oo heer caalami ah oo ay martigeliso Soomaaliya muddo 30 sano ka hor.

Walaaca nabadgelyada ayaa ku qasbaya in xulka Soomaaliya ay ku ciyaaraan goobo dhexdhexaad ah ama meel ka fog gurigooda.

‘Mustaqbalka nagu soo aaddan waxaan casuumi donnaa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa’ ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab, oo ah madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya.