Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidamada dowladda

Ciidamada dowladda Soomaaliya  Gobolka Galgaduud waxay saakay shaaciyeen in uu isku soo dhiibay madaxii Alshabaab ee deeganka Galcad oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

 

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka gobolka Galgaduud oo magaciisa diiday in warbahinta loo adeegsado ayaa  u sheegay Risaala ninkaas gacanta lagu hayo.

 

Saraakiisha ciidanka ee Ceelbuur ayaa sheegay in sarkaal isku soo dhiibay lagu magacaabo Maxamed Hooley Iswiisar oo ay ku sheegeen uu ahaa Al-shabaab ee deegaanka Galcad.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ninkaas loo qaaday dhanka degmada Ceelbuur